Qaybta 2aad (Barnaamijka Tababarka Ardayda)

  • Xallinta Khilaafka:

Hoggaamiyaha hawshiisa yaqaan waa midka u guntada xallinta is fahamdarrada ka dhex jirta hay’adda uu hoggaamiyo, ha ahaado mid u dhaxeeya xubnaha uu maamulo ama mid u dhaxeeya isaga iyo xubnaha kale.

Khilaafka iyo is fahamdaradu waxa ay sababi karaan burbur deg deg ah oo ku yimaada hay’adda uu khilaafku hareeyey, sidaas darteed waa in hoggaamiyuhu had iyo jeer ka war hayaa xogta hoose ee hay’addiisa, waana inuusan sahlan oo uusan ka meermeerin xallinta khilaafka jira.

  • Hoggaamin ku dayasho mudan:

Hoggaamiyaha wanaagsani waa midka ay ku daydaan dadka uu hoggaamiyo, waxaa uu tusaale wanaagsan u yahay dhinacyada hab la dhaqanka dadka, ixtiraamka, soo dhaweynta aragtida ka soo horjeedda, runta, oofinta ballanka, dulqaadka, u kuurgelidda arrimaha bulsho ee hay’addiisa, hal abuurka, kartida, heybadda, caddaaladda, dhexgalka bulshada iyo dhiirrigelinta dadka uu maamulo.

  • Mabda’a abaalmarinta iyo ganaaxa:

Marka bulsh hawl wada qabanayso waxaa xaqiiq ah inay jiri karaan dad hormuud u ah hawsha hay’adda, kuwaas oo mudan abaalmarin si loo dhiirrigeliyo wax qabadkooda iyo wax soo saarkoodaba.Dhinaca kale waxaa suuragal noqon kara jiritaanka dad ka gaabiya waajibaadkooda amaba caqabad ku ah hannaan socodka shaqada hay’adda. Hoggaamiyaha waxaa uu kula dhaqmaa dadka dib u socodka ah ee ka tirsan hay’adda uu maamulo inuu dhawr mar wax tusaaleeyo, haddii uusan jirin wax is beddel ah oo dhanka hor u socodka ah waa in dhawr mar oo kale uu u digaa, digniintuna waxay noqon kartaa mid afka ah iyo mid qoraal ahba. Haddii falka looga digay ay sii joogteeyaanna hoggaamiyaha suubbani waxa uu qaataa go’aan adag oo dhan ka ah kuwa ka gaabiya waajibaadkooda si ay u dareemaan xanuunka ay leedahay waajib gudasho la’aanta.

  • Go’aan qaadasho haboon:

Qofka wax maamula ama hoggaamiya waxaa khasab ah in uu qaataa go’aanno xilli kasta oo ay danta iyo duruufuhuba keenaan, go’aannada uu hoggaamiyuhu qaadanayana waa in ay xiriir la leeyihiin arrimaha uu ka qaadanayo iyada ooaysan jirin dhinac loogu roonaanayo iyo dhinac kale oo loogu darnaanayaba.

Go’aannada uu qaadanayo hoggaamiyuhu waa in ay yihiin kuwo haboon isla mar ahaantaana uu qaatay xilli ay ku haboon tahay go’aan qaadashadu, haddii uu arrin go’aan fudud u baahnaa uu ka qaato mid adag oo aan ciribtiisa la mahdin waxa uu dhaawac weyn u geysan karaa hay’adda uu maamulo iyo shakhasiyaddiisaba, sidoo kale haddii uu qaato go’aan fudud arrin u baahnayd go’aan adag waxa ay saamayn xun ku yeelan kartaa hay’addiisa iyo nidaamkiisa wax maamulba.

  • Doorashada la taliyeyaal wanaagsan:

Hoggaamiyaha suubbani waa midka wanaajiya doorashdiisa dadka kala talinayo arrimahiisa maamul iyo hoggaamineedba si ay mar waliba u haggaagsanaato hannaan socodka barnaamijyadiisa maamul. Tilmaamha lagu dooranayo la tilayahu waa in ay ku dhisnaataa aqoonta uu u leeyahay dhinaca uu kala talinayo hoggaamiyaha, yahayna mid daacad ah oo ay u dheer tahay ammaano iyo dhawridda sirta maamul, sidoo kalena uu yahay hawl kar jecel shaqada uu qabanayo.

  • Su’aalo mudan is weydiin (Halbeegga tilmaamaha hoggaamiyaha suubban)
  • Ma tahay hoggaamiye hanuuniya dadka uu hoggaamiyo?.
  • Ma tahay hoggaamiye leh shakhsiyad wanaagsan oo laga heybaysto?
  • Ma tahay hoggaamiye ka baaraandega arrimaha degdegga ah?
  • Ma tahay hoggaamiye kordhiya tayada hay’addiisa?
  • Ma tahay hoggaamiye qaata talada wax dhisaysa ee ka timaadda dadka uu maamulo?
  • Ma tahay hoggaamiye lagu qanco go’aannadiisa xasaasiga ah ee uu qaato?
  • Ma tahay hoggaamiye shaqada u qaybiya dadka uu maamulo?
  • Ma tahay hoggaamiye diyaariya qofka beddelaya?
  • Ma tahay hoggaamiye xiriir wacan la leh hay’adaha aad isku shaqada tihiin?

Su’aalahan iyo kuwo kale oo la mid ahba waxa ay halbeeg u noqon karaan tilmaamaha hoggaamiyaha suubban hadddii inta badan jawaabtu “haa” tahay.

Dhammaad.

Wargeyska Dugsi