Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 29/11/2011 looga dhawaaqay magaalada Jowhar xubnaha Golaha Wasiirrada Maamul goboleedka Hir shabeelle, waxaa ka mid ahaa wasiirrada la magacaabay Mudane Luqmaan Xaaji Baarqab oo ka mid ahaa ardaydii ka qalin jebisay dugsiyada Mu’asasada Maka Al Mukarama, waxaa wabarashadiisa Dugsiga H/Dhexe iyo sareba ku soo qaatay Dugsiga Maka Al Mukarama isagoo ahaa arday ku wanaagsan aqoonta iyo ixtiraamka barayaasha iyo ardayda wax ka barata dugsigisa, waxa uu ahaa intii uu wax ka baranayey dugsiga Maka Al Mukarama ardayga ku guuleysta kaalinta koowaad ee fasalkiisa iyo heer dugsiba. Mudane Luqmaan waxa uu waxbarashadiisa sare ku qaatay oo shahaadada heerka koowaad ka haystaa labada Jaamacadood ee Simad iyo Banaadir. Waxa aan u rajaynaynaa Mudane Luqmaan in xilka loo magacaabay uu ugu adeegi doono dadkiisa iyo dalkiisa.
Hore ayey qaar ka mid ah ardayda ka baxday dugsiyada Mu’asasada Maka Al Mukarama xilal heer degmo, heer gobol iyo heer qaranba soo qabteen waxaana ka mid ah:
1- Xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Axmed “Abuu kaato” (Xildhibaan Federaal)
2-Mudane C/raxmaan Aadan Cismaan (Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Nayrobi)
3- Xildhibaan Maxamed Cabdulle Maxamuud “Batalaalle” (Xildhibaan Maamul goboleedka Hir Shabeelle Wasiir hore)
4-Xildhibaan Yuusuf Macallin Jeelle (Xildhibaa Dowlad goboleedka Hir Shabeelle Wasiir ku xigeen hore)
5- Mudane C/fitaax Nuur Yaanyo (Guddoomiyaha Degmada Kaaraan xilligaan horena u soo qabtay degmooyinka Shibis iyo Dharkeynley)
6 – Mudane Xuseen Axmed Culusow (Guddoomiyihii hore ee degmada Waaberi)
Sidoo kale ayey jiraan tiro badan oo ka mid ah ardayda wax ka baratay dugsiyada Mu’asasada Maka Al Mukarama oo xilal sar sare ka haya hay’ado dawladeed, kuwo caalami ah iyo kuwo gaar loo leeyahayba.
Waxaan la hilmaami karin Dhakhaatiirta, Injineerrada, Barayaasha Jaamacadeed, Barayaasha dugsiyada iyo aqoonyahannada kala duwan ee ka hawlgala hay’ado kala duwan.