Muqdisho: Mu’asasada Maka Almukarrama oo horay dugsiyo waxbarasho ugu laheyd gobolka Banaadir iyo gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan ayaa Sanad-dugsiyeedkaan 2016-2017 dugsi cusub ka furtay xaafadda Juungal ee degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Dugsigaan oo ah faraca 5-aad ee Jaabir Bin Xayaan ayaa ardaydu ka heli doonaan waxbarashada faslka 1-aad ilaa 10-aad, iyadoo sanadka dambe lagu kordhin doono fasallada 11-aad iyo 12-aad.

Dugsiga ayaa ku yaalla inta u dhaxeysa Isbitaalka Carafaat iyo Labaajada Mahadalle ee dhanka xaafadda Juungal, waxaa wadada warshadaha ka xiga dhowr boos  kaliya.

mmukaramafoundation.org