Imtixaannada midaysan oo mid kastaba heer yahay laga billaabo dugsiyo hal hay’ad ay maamusho, kuwo dallad hoos taga, kuwo hal deegaan ku wada yaalla ilaa midka heer qaran oo ay maamusho Wasaaradda Waxbarashada waxaa laga leeyahay hal ujeeddo oo ah qiimaynta ardayga iyadoo loogu kuurgalayo hadba heerka ay joogaan ardayda laga qaadayo imtixaanka.

Waxbarashadii dalka ka jirtay burburka ka hor waxaa jiray hal imtixaan midaysan oo heer qaran ah lagana qaadi jiray ardayda shahaadada dugsiga dhexe iyo kuwa dugsiga sare (fasallada 8aad dugsiga dhexe iyo fasallada 12aad ee dugsiga sare), imtixaanka noocaan ahi waxaa uu ahaa halbeeg dhab ah oo lagu miisaamo ardayda iyo dugsiyada ay wax ka bartaanba.

In kasta oo nidaam dawladeed uu dalka ka jiray imtixaannada shahaadadu si weyn ayey uga duwanaayeen marka la barbar dhigo kuwa dugsiyadu qaadaan, waayo waxaa ka qayb qaadanaya arday kasta oo heerkaas ah kuna nool jamhuuriyadda Soomaaliya, tuulo, degmo ilaa gobol. Dalku waxa uu lahaa manhaj midaysan oo ay maamusho Wasaaradda Waxbarashada ardayguna waxaa uu si joogto ah u heli jiray dhammaan buugta uu wax ka barto heer kasta oo uu joogaba.

Dadka ka shaqeeya hawlaha imtixaannada shahaadada waxa ay ahaayeen kuwo u tababaran hawsha ay qabanayaan isa mar ahaantaana haysta tasiilaadka imtixaanku u baahan yahay, waxaana gudagalkiisa ka horreeyey qorshe tafatiran oo u degsan hirgelintiisa.

Waxaa sanadkii afraad socda imtixaanno midaysan oo heer qaran ah kaas oo ay maamusho Wasaaradda Waxbarashada lagana qaadayo ardayda fasalka 12aad ee dugsiga sare, sidoo kale waxaa sanadkii koowaad tijaabo galay mid ka mid ah dalladaha waxbarashada ee ugu magaca weynweyn taas oo qaadday imtixaanka shahaadada dugsiga sare dhammaan dugsiyada hoos taga oo ku kala firirsan gobollada iyo degmooyinka dalka.

Imtixaannada shahaadada dugsiga sare ee midaysnaa oo la qaadayey xilliyada aan soo xusay ma ahayn kuwo halbeeg noqon kara, waxaana ay wada ahaayeen kuwo lagu fashilmay oo aan imtixaan lagu magacaabi karin maadaama ay ahaaye kuwo furan oo ku baahsanaa baraha bulshada. Sababaha fashiliyey imtixaannadaas ha ahaadaan kuwo dalladeed ama kuwo dawladeedba waxaa ka mid ah:

  1. Jiritaan la’aanta qorshe ku qotoma deraasad cilmiyeysan: Marka la qaadayo imtixaannada noocaan oo kale ah waxa ay u baahan yihiin dejinta qorshe sugan oo ku dhisan cilmi baaris muddo socotay, haddiise lagu dhiso hawsha baaxaddaas leh dhawr qof oo is wareysatay iskana dhaadhiciyey in la hirgelin karo natiijada ka soo baxdo waxa ay noqonaysaa mid fashil ku dhammaata isla mar ahaantaana ay ku xumaato sumcadda iyo kalsoonidii lagu qabay inta fashilkaas horseedday.
  2. Bii’ada oo aan u diyaarsanayn Imtixaannada noocaan ah: Burburka la soo dersay qarannimadeennii waxaa ay saamayn ku yeelatay hawlihii kala duwanaa oo ay waxbarashadu ugu horreyso, waxaa isbeddel daraf ilaa dacal uu ku dhacay nidaamkii waxbarasho ee dalka, waxbarashadii waxa ay noqotay mid gaar loo leeyahay oo aysan jirin hay’ad kormeerta ammaan iyo dhaliilba waxa jira. Ardayda iyo hawlwadeennada waxbarashada gacanta ku hayaba waxaa la arkaa inaysan weligood arag amaba maqal in uu jiri karo hal imtixaan oo laga qaado ardayda shahaadada dugsiga dhexe iyo midka sareba.
  1. Imtixaanka oo ahaa mid ku kooban deegaanno xaddidan: Imtixaannada lagu sheegay kuwo heer qaran ah amaba heer dalladeed ah waxaa uu ku koobnaa gobollo iyo degmooyin xaddidan, sababaha dalka oo dhan uu u gaari waayey waxa ay noqon kartaa mid nabadgelyo iyo mid siyaasadeed, arrintaan ayeysan eed ku lahayn dhinacyada imtixaannada qaadayey waayo awooddooda ayey ka baxsan tahay, sidaas darteed ayeysan imtixaannadu noqonayn kuwo heer qaran  ama heer dalladeed ah maadaama ay dugsiyo iyo arday badan oo Soomaaliyee aysan qayb ka ahayn imtixaannadaas, waxaa suura gal ah in goobaha imtixaanku gaari waayey laga heli karo arday Soomaaliyeed oo wax ka beddeli karta natiijooyinka soo baxa ee dhanka kala horreynta amaba taas lidkeed lagu qiimayn lahaa heerka waxbarasho ee goobaha uusan imtixaanku gaarin.
  1. Kala duwanaanshaha manhajka waxbarashada: Manhajka waxbarashada ee midaysan waxaa uu suurageliyaa in si caddaalad ah ardayda loogu qiimayn karo maadaama imtixaanka la dejinayo uu ka imaanayo manhajka la derso, waxaa jira dedaallo la geliyey sidii wax isu dhaw loo heli lahaa sidaas darteed ayey sanadihii u dambeeyey la isku duway hawl billow ah balse aan gunta gaarsiisnayn.
  1. Ammaanada iyo Tababarka hawlwadeennada la soo xusho oo liidata: Dadka ka shaqaynaya hawlaha noocaan ah waxaa lagama maarmaan ah in ay ku sifoobaan laba qodob oo kala ah: (b) Aqoon, (t) Ammaano. Waxaa ka muuqanayey imtixaannadii shahaadada dugsiga sare ee midaysnaa lana qaadayey afartii sano ee ugu dambeeyey  in labadaan qodob ay ka marnaayeen waayo waxaa inta badan hawlaha maamulka imtixaanka gacanta ku hayey dad aan ehel u ahayn oo qayb ka ahaa fashilka imtixaannadaas maadaama ay garan waayeen in hawsha ay hayaan gundhig u tahay horumarka dalka iyo dadkaba, waxa ayna noqdeen awrkii heeryadiisa cunay.
  1. Faafidda Qishka: Imtixaanku waxaa uu imtixaan ku noqonayaa in indhaha ardaygu ugu horreeyaan marka warqadda imtixaanka farta laga saaro, balse waxaa si dhib yaraan ah ardaydu ku helayeen dhammaan imtixaannada la galayey iyada oo maalin ama ugu yaraan saacado badan ka hor helayey dhammaan su’aalaha maaddada la gelayo iyada oo ah sidii loo soo daabacay. Dhinacyada imtixaannada shahaadada fasalka afraad qaadayey dawlad iyo dalladba waxa ay iska indha tireen in imtixaannada ay waqti iyo dhaqaalaba geliyeen suuqa uu iska yaallo. Mararka qaar waxaa dhacda in imtixaan saacad ka hor la beddelay iyada oo aysan hawlwadeennada imtixaanka gaarsiinaye xarumihii imtixaanka uu uga soo horreeyo isla imtixaankii oo baraha bulshada heehaabaya. Arrintaan ayey dhinacyadaasu ku guul darreysteen inay xal u helaan.
  1. Caqabadaha tiknoolajida: Waxyaabaha ugu daran ee qaybta libaax ka qaatay fashilka imtixaannadii midaysanaa ee la qaadayey waxaa ugu horreeya tiknoolajiyada taas oo suura gelisay in qishku gaaro guri kasta oo uu ka soo tooso arday ka mid ah kuwa imtixaanka gelaya, markii imtixaanku galay gacmo aan aammin ahayn dhibkii ka yimid kuma koobnaan hal goob imtixaaneed, balse waxaa uu gaaray meel kasta iyada oo uu xawaaraha faafiddiisana uu qayb ka yahay aaladda internetka kaas oo saamaxay in imtixaanku iska warnaado baraha bulshada dhexdooda maalin ama saacado ka hor inta aan la gelin imtixaanka maaddadaas.
  1. Khal-khal nabadgelyo: Marka la dejinayo qorshaha imtixaannada midaysan ee shahaadiga waxaa qayb ka ah arrimaha nabadgelyada goobaha imtixaanka lagu gelayo iyo ardayda gelaysaba, sidaas darteed waxaa waajib ah in la helo dad u tababaran sugidda ammaanka oo aan caqabad ku ahayn ardayda. Labada dhinac ee qaaday imtixaannada shahaadada dugsiga sare dawlad iyo dalladba waxaa dhanka nabadgelyada ka jiray dhaliilo. Haddii aan ku hormaro dhinaca dawladda waxaa xarumaha qaar ka muuqanayey askar aad u hubaysan oo ku sugan gudaha dugsiga ilaa meelaha qaar la moodo xero ciidan, tani waxa ay caqabad, argagax iyo niyad jab ku noqotay ardayda goobahaas imtixaanka ku galayey, mararka qaar ciidamadaan faraha badan waxaa ay dareen geliyaan ardayda waxa ayna saamayn ku yeelataa natiijada imtixaankooda. Dhanka dalladda waxa ay ka gaabisay sugiddii amniga iyada oo hawlwadeennada imtixaanka loo sheegay inay ayagu sugidda amniga iyo qaadista imtixaankaba ay mas’uuliyaddooda tahay, taasi waxaa laga dhaxlay in ardaydu ay dhiirradaan oo ay handadaan barayaashii ilaalinaysay imtixaanka ilaa qaar ka mid ah ay dantu biddo in xaruntii uu ku qornaa dib ugu laaban waayo hanjabaadaha ardayda dartood.

Gebogebo

Dadka ka shaqeeya arrimaha waxbarashada waxa ay isku waafaqsan yihiin jiritaanka imtixaan laga qaado ardayga kaas oo halbeeg u noqda aqoontiisa, imtixaanku marka uu midaysan yahay oo hal dhinac uu qaadayo waxaa uu qiimayn u noqon karaa ardayda imtixaanka gelaysa marka la helo tiirarka lagama maarmaanka u ah ee dhinancyada aqoonta, ammaanada, nabadgelyada iyo hannaanka imtixaan qaadista. Waxaa lagama maarmaan ah in ay jirto dib u qiimayn hawlaha imtixaannada la qaaday dhaliil iyo ammaanba si loo saxo imtixaannada dambe khaladaadkii jiray.