Kulan ballaaran oo uu soo qabanqaabiyey Xafiiska Waxbarashada oo looga hadlayey siyaasadda tarbiyo – tacliineed ee Mu’asasada Maka Al-Mukarama iyo dejinta Imtixaanka Teeramka 2017/2018 ayaa lagu qabtay Xarunta Dugsiga Jaabir Bin Xayaan (Faraca Afarta Jardiino).

12

Kulanka ayaa la isku isku weydaarsaday fulinta qorshaha waxbarasho ee u degsan Xafiiska Waxbarashada.
Waxaa hadallo wax ku ool ah ka soo jeediyey kulanka mas’uuliyiinta Mu’asasada Maka Al-Mukarama oo ay ka mid yihiin xafiisyada guddoonka, waxbarashada iyo kormeerka iyagoo tusaaleeyey barayaasha qaabka ugu wanaagsan ee dejinta imtixaanka, mas’uuliyadda baraha iyo ammaanada imtixaanka, waxayna kula dardaarmeen barayaasha cusboonaysiinta hannaanka waxbaridda dhallaanka Soomaaliyeed.
Intaas ka dib waxaa la guda galay dejinta imtixaanka teeramka 2017/2018, ugu dambayntii kulanka ayaa ku soo dhammaaday hawl gudasho wacan. 

13
Dugsiyada Mu’asasada Maka Al-Mukarama ayaa leh nidaam imtixaan midaysan oo ay dugsiyadu wadaagaan iyadoo ardayda wax ka barata dugsiyada Mu’asasada ay galaan lix imtixaan sanad dugsiyeed kasta.
Imtixaanka teeramka ee sanad dugsiyeedka 2017/2018 ayaa la qaadi doonaa 16/12/2017 – 20/12/2017.
Guul ayaan u rajaynaynaa ardaydeenna.

14