Waxaa si habsami leh uga socda xarumaha dugsiyada hoos taga Mu’asasada Maka Al- Mukarama Imtixaan bileedka 2017/2018 oo si raxmi ah u billowday maalintii sabtiga oo ku beegnayd 23/09/2017, Imtixaanka ayaa soconaya muddo shan maalmood ah ujeeddada laga leeyahayna waxay tahay qiimaynta ardayga bilaha uu wax baranayey.

DSC08363

Xafiiska Waxbarashada Mu’asasada Maka Al- Mukarama ayaa qorsheeyey lix imtixaan oo ay ka qayb qaadan doonaan dhammaan ardayda wax ka barata dugsiyada hoos taga Mu’asasada waxa ayna kala yihiin imtixaannadaasi.

DSC08369

DSC08371

1- Imtixaanka bilaha Agoosto/Siteembar (5 dhibcood maaddo kasta).

2- Imtixaanka bilaha Oktoobar/Nofeembar (5 dhibcood maaddo kasta).

3- Imtixaanka Teeramka (20 dhibcood maaddo kasta).

4- Imtixaanka bilaha Jannaayo/ Febraayo (5 dhibcood maaddo kasta).

5- Imtixaanka bilaha Maarso/Abriil  (5 dhibcood maaddo kasta).

6- Imtixaanka kama dambaysta (60 dhibcood maaddo kasta).

Ardayda wax ka barata dugsiyada Mu’asasada Maka Al- Mukarama ayaa ah kuwo si isku mid ah oo midaysan u gala imtixaannadaas iyadoo arday waliba dhibcaha uu keensado loo kaydiyo ka dibna si guud la isugu geeyo natiijooyinka lixda imtixaan ee kor ku xusan.