Dhacdadii xanuunka badnayd ee ka dhacday Isgoyska Soobbe 14kii Oktoobar waxaa ay saamayn ku yeelatay qaybaha kala duwan ee bulshada. Ardayda oo ka mid ahaa dadkii ay dhibaatadu wax ka soo gaartay waxa ay dareen diineed iyo mid waddaniyeedba ka muujiyeen dhibka soo gaaray bulshada Soomaaliyeed.

DSC08447

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Dugsiga Jaabir Bin Xayaan (Faraca Afarta Jardiino) ayaa billaabay barnaamij gurmad ah oo lagu kaalmaynayo dadkii waxyeelladu ka soo gaartay qaraxii gilgilay caasimadda Muqdisho 14kii Oktoobar 2017.

Waxaa duruus dhiirrigelin ka qaybqaadashada hawaha samafal ee socda ka soo jeediyey maamulka iyo barayaasha dugsiga iyadoo ardayduna ay dareenkooda cabbireen sida ay uga xun yihiin falka noocaas oo kale ah.

DSC08450

 

 

 

Sidoo kale waxaa goobta looga duceeyey dadkii dhibaatadu soo gaartay kuwii dhintay iyo kuwa dhaawaca ahba, ugu dambayn waxaa salaad jinaaso ah laga oogay dugsiga iyada oo ay ka wada qayb galeen maamulka, barayaasha,ardayda iyo shaqaalaha dugsiga Jaabir Bin Xayaan (Faraca Afarta Jardiino).

DSC08458

Arrintaani waxa ay daliil cad u tahay sida ardayda Soomaaliyeed uga qayb qaataan u danqashada dadka iyo dalka Soomaaliyeed, waana qayb ka mid ah waxbarashada ay ka helaan dugsiyadooda ardayda wax ka barata dugsiyada hoos taga Mu’asasada Maka Al- Mukarama.