Ciyaar Kama dambays oo u dhaxaysay labada dugsi ee kala ah Jaabir Bin Xayaan iyo Yaaqshiid ayaa galabta oo ay taariikhdu tahay 12/10/2017 lagu qabtay garoonka Terri ee degmada Yaaqshiid, ciyaarta ayaa ahayd mid aad loo sugayey oo u dhaxaysay laba dugsi oo ka soo haray labaatan iyo dhawr dugsi sare oo u tartamayey dugsiga magaca degmada Yaaqshiid ku metalaya ciyaaraha dugsiyada sare ee gobolka Banaadir oo dhawaan la qaban doono.
Ciyaarta oo ahayd mid u qalantay ciyaar kama dambays ah ayey labada kooxood ahaayeen kuwo isu dheellitiran farsamadeeduna sarreysay.

Koob2
Qaybtii hore ee ciyaarta waxaa lagu kala nastay 1-1, waxaa goolka ku hor maray dugsiga Jaabir Bin Xayaan oo uu u dhaliyey C/rashiid oo sitay lambarka 9aad, halka goolka dugsiga Yaaqshiidna uu u saxiixay lambarka 10aad Axmed Shaandi, markii dib la isugu soo laabtay ayey labada kooxood weerar iyo weerar celis isku qaadeen waxaa gool laad xor ah dhaliyey dugsiga Jaabir Bin Xayaan oo uu u saxiixay lambarka 8aad Yoonis, laba daqiiqo ka dib ayey dugsiga Yaaqshiid heleen gool ku laad ka dib markii xerada ganaaxa dugsiga Jaabir Bin Xayaan khalad ku galeen, natiijada ciyaarta ayaa ku soo gebageboobay 2-2.

koob4
Sida caadig ah ciyaar kama dambays ah marka ay barbarro ku idlaato ayaa loo baxay rigooreyaal, waxaa la isla gaaray saddex wareeg ugu dambayna dugsiga Jaabir Bin Xayaan ayaa ku guuleystay koobka dugsiyada sare ee degmada Yaaqshiid iyadoo uu ka qaybgeli doono ciyaaraha dugsiyada sare ee gobolka Banaadir.
Dufcaddii 11aad ee dugsiga Jaabir Bin Xayaan 2016/2017 ayaa lagu xasuustaa guushii ay ka soo hooyeen tartan aqooneedka dugsiyada sare ee gobolka Banaadir iyagoo hantay Koobka tartan aqooneedka dugsiyada gobolka 2016/2017.

Koob 1
Sidoo kale Dufcadda 12aad ee dugsiga Jaabir Bin Xayaan 2017/2018 ayaa lagu xasuusan doonaa guusha dhanka Kubbadda Cagta ee ay dugsiga u soo hooyeen.
Dugsiga Jaabir Bin Xayaan ayaa lagu yaqaan aqoon iyo isboorti isu dheellitiran iyagoo caan ku ah oraahda “Aqoonta iyo Isboortigu waa mataano”