Ardayda wax ka barata dugsiyada Macallin Jaamac iyo Jaabir Bin Xayaan oo hoos taga Mu’asasada Maka Al- Mukarama ayaa deeq gargaar ah gaarsiiyey C/shakuur Macaash Tabane oo ah wiil yar oo 10 sano jir ah lagana keenay miyiga Gobolka J/Hoose. C/shakuur waxa uu ka soo jeedaa qoys dan yar oo reer miyi ah waxaa uu muddo 6 bilood ah la xanuunsanaa cudurka kansarka oo kaga dhacay isha midig, hooyadiis oo xaamilo ah oo soo gaarsiisay Isbitaalka Jaamacadda Soomaaliya waxa ay kala kulantay murugo iyadoo duruuftu u saamixi weyday in ay ka bixiso kharasha sariirta uu ku seexdo.DSC00064

Ardayda dugsiyada Macallin Jaamac iyo Jaabir Bin Xayaan oo ka war helay xaaladda adag ee caafimaad iyo midda nololeed ee haysata C/shakuur Macaash ayaa gaarsiiyey lacag dhan $500 (Shan boqol oo dollar), dareenka wanaagsan ee ardayda ayaa soo jiitay waalidka C/shakuur Macaash.

DSC00071

DSC00071 DSC00072

Waa qayb yar oo ka mid ah duruusta ay ardaydu ku qaataan dugsiyada hoos taga Mu’asasada Maka Al- Mukarama in ay bartaan ka qayb qaadashada kaalmada dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu la soo deristo, sidoo kale ayaa ardayda dugsiyadaan wax ka barta lagu barbaariyaa u danqashada dalka iyo dadkaba.