30 10, 2016

Dugsiga Jaabir iyo Jiinleyda Maanso

In dhaweydba jiinleyda gabay jaanis uma hayne Jawaabteeda waa taan ka haray jiinka maansada’e In kastoon ka jeel dhigay tix baan jeedi leeyahaye Waa inaan jidkii ila habboon kula jihaystaaye Jaabir Binu Xayaan waa iskool joharadiisiiye Jamac tiijariinaa dhigtiyo jaallayaal wacane Juuc iyo waxay naga baxsheen jaahilnimadiiye Jiinka gabayna kuma koobi karo jamac ahaantoode Allahayow [...]

30 10, 2016

U HIILLI AFKAAGA HOOYO (Qormo xiiso badan)

Afka Soomaaliga oo ah mid u gaar ah bulshada Soomaaliyeed ahna luuqadda rasmiga ah oo u diiwaan gashan nidamayadii maamul ee dalka isaga dambeeyey ma uusan helin horumarintii iyo kobcintii loo baahnaa ku dhawaad rubuc qarni xilliyada burburka lagu jiray marka laga reebo dedaallo gaar ah oo ay sameeyeen hay’ado iyo shakhsiyaad Soomaalinnimadu ku weyn [...]

15 10, 2016

Mu’asasada Maka Almukarrama oo dugsi cusub ka furtay xaafadda Juungal

Muqdisho: Mu'asasada Maka Almukarrama oo horay dugsiyo waxbarasho ugu laheyd gobolka Banaadir iyo gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan ayaa Sanad-dugsiyeedkaan 2016-2017 dugsi cusub ka furtay xaafadda Juungal ee degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho. Dugsigaan oo ah faraca 5-aad ee Jaabir Bin Xayaan ayaa ardaydu ka heli doonaan waxbarashada faslka 1-aad ilaa 10-aad, iyadoo sanadka dambe [...]